Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax lala beegsaday culimada Afghanistan


Golaha Culimada Afghanistan

Ugu yaraan toddobada qof ayaa ku geeriyootay, sagaal kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday kulan ay isugu yimaadeen culimada dalka Afghanistan, meel u dhow magaalada Kabul.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan.

Qaraxa ayaa dhacay, ayada oo 2,000 oo qof oo xubno ka ah golaha culimada dalka Afghanistan ay hakiyeen kulankooda, ayna ka tagayeeen xarunta kulanka.

Daqiiqado ka hor ayaa culimadu waxay soo saareen fatwa ay shaaca uga qaadeen in ismiidaamintu aysan ku bannaaneyn shareecada Islaamka.

Culimada ayaa ka codsaday dowladda Afghanistan iyo kooxda Taliban inay siku raacaan xabadjoojin, ayna galaan wad-xaajood lagu gaarayo heshiis nabadeed.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG