Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Netanyahu oo raadinaya cadaadiska Yurub ee Iran


Benjamin Netanyahu
Benjamin Netanyahu

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa maanta billaabay safar uu ku bixinayo saddex dal oo Yurub, isaga oo taageero u raadinaya in wax laga beddelo heshiiska nuclear-ka Iran.

Netanyahu ayaa socdaalkiisa ka billaabaya dalka Jarmalka, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono ra’iisul wasaare Angela Merkel, ka hor inta uusan la kulmin hogaamiyayaasha France iyo Britain.

Britain, France iyo Germany ayaa Iran la galay heshiiska Nuclear sanaddii 2015, ayaga oo ay wehliyaan Russia, China iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump aya bishii tagtay ku dhawaaqay in dalkiisa uu ka baxay heshiiska, oo uu ugu yeeray “mid xun ooh al dhinac ah.”

Si kastaba, dalalka kale ee saxiixay heshiiska ayaa muujiyey damacooda ah inay kusii jiraan, ayaga oo sheegay inuu shaqeynayo. Britain, France iyo Germany ayaa soo jeediyey in si gooni ah loo xaliyo walaacyada kale ee laga qabo Iran.

XS
SM
MD
LG