Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cayaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk ayaa la filayaa in 24-ka saac ee soo socda uu ku biiro kooxda Manchester United.

Xiddiga reer Brazil ayaa maanta mari doona tijaabada caafimaad ee kooxda United, ka hor inta uusan soo geba gebeyn ku biiristiisa naadiga Old Trafford.

Kooxaha United iyo Shakhtar ayaa lagu warramay inay isku raaceen heshiis lacageed dhan 55 milyan oo Euro, si uu qad-dhexlahan u noqdo saxiixa koowaad ee tababare Mourinho, xagaagan.

25 jirkan ayaa Shakhtar kaga soo biiray naadiga dalka Brazil ee Internacional, sanaddii 2013, waxaana uu kooxda dalka Ukraine ka dhisan u saftay 150 kulan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG