WASHINGTON. D.C —
Gobolka Ontario ee dalka Canada waxa Khamiista ka dhic doonta doorashada gobolka, waana mid muhiimad ballaaran u leh Soomaalida Kanada maadaama ay gobolkaasi ugu badana yihiin.
Daarta VOA waxa nagu soo booqdey Faarax Aw Cismaan oo ah madaxa ururka Saaxiibnitnimada Soomaaliya iyo Canada oo xaruntiisa ay tahay Ottawa. Waxa uu u waramey Jaamac Buulle Jaamac oo ugu horeyn weydiiyey xaalka guud ee doorashada.