Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real oo raadineysa tababare cusub


Zinedine Zidane
Zinedine Zidane

Real Madrid ayaa baadi goob ugu jirta sidi ay u heli laheyd tababare bedela booska uu banneeyay macalin Zinedine Zidane, oo shalay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka tagay kooxda.

Shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Madrid, ayuu Zidane ku sheegay in kooxda ay u baahan tahay is-badal iyo jiho kale oo cusub, kadib saddex sano oo uu leylinayay.

Zidane mudadaasi wuxuu qaaday saddex koob oo ah kan Yurub oo uu waliba isku xiriiriyey. Kiisi ugu danbeeyay wuxuu qaaday lix maalmood ka hor.

Tababarayaal dhowr ah ayaa lala xiriirinayaa Real Madrid, waxaana ka mid ah macallinka kooxda Tottenham Mauricio Pochettino. Macalinkan da’da yar ayaa waxa uu toddobaadki hore saxiixay heshiis kordhin kale oo uu sannado kale kula sii joogayo Tottenham.

Tababarayaasha kale ee ay Real indhaha ku heyso ayaa waxaa ka mid ah macalinka xulka Jarmalka Joachim Low iyo tababaraha hadda wata Chelsea Antonio Conte. Conte ayaa aad loo saadaalinayaa inuu ka tagayo kooxda toddobaadyada foodda nagu soo haya.

XS
SM
MD
LG