Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Lampard oo loo magacaabay macallinka Derby


Frenk Lampard

Xiddigii hore ee kooxda Chelsea iyo xulka England, Frank Lampard ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda Derby County oo ka mid ah kooxaha heerka labaad ee dalka Ingiriiska.

Lampard wuxuu sheegay in shaqada loo magacaabay aysan noqon doonin mid fudud, kadib marki uu saxiixay heshiis saddex sana ah.

Wuxuu noqday macallinki todobaad ee ay Derby magacawdo muddo saddex sano gudahood.

Lampard, oo ah 39 jir, wuxuu intiisa badan waayihiisii ciyaareed lasoo qaatay Chelsea.

Ka hor magacaabistan, wuxuu mid ka mid ah taleefishinada dalka UK u ahaa fallanqeeya cayaareed.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG