Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiriirka kubadda cagta Masar ayaa sheegay in xaalada Mohamed Salah ay soo hagaageyso, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulamo ka mid ah saddexda ciyaar ee uu xulka Masar ka dheeli doono wareega koowaad ee koobka aduunka, bish soo socota.

Salah, ayaa garabka ka kala baxay inti ay socotay ciyaar ay kooxda Liverpool la dheeshay Real Madrid toddobaad ka hor. Ciyaartaas ayaa aheyd finalka koobka kooxaha horyaalada Yurub.

Dhaqtarka kooxda qaranka Masar oo la kulmay Salah ayaa sheegay in laacibkan 25 jirka ah uu diyaar noqon doono muddo saddex toddobaad ah kadib.

Kulanka hore ee xulka Masar ee koobka aduunka ayaa dhici doona 15-ka June, waxay la dheeli doonaan Uruguay.

Ciyaartaas ayay u badantahay inuu seegi doono, kulanka xiga waxay 19-ka June la ciyaari doonaan kooxda qaranka Russia, halka kulanka ugu danbeeya ay 25-ka June la dheeli doonaan Saudi Arabia.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG