Isku xirrada

War Deg-Deg ah

ICRC oo dhaqaatiir u diraysa magaalada Gaza


Afghanistan ICRC
Afghanistan ICRC

Hay’adda Laanqeerta Cas ee caalamiga ah ayaa Arbacadi shalay ku dhawaaqday in ay magaalada Gaza ee dhulka Falastiin u direyso koox dhaqaatiir dhinaca qalliinka ah, si ay uga jawaabto baahi dhinaca caafimaadka ah oo aad u daran oo ka jirta halkaasi.

Hay’adda ICRC waxay sheegtay in khubarradan caafimaad ee ay u direyso Gaza ay xooga saari doonaan, sidii ay u daweyn lahaayeen dadka qaba dhaawacyada rasaasta ah, ee dhawaan ku dhaawacmay isku-dhacyadii ka dhacay xadka Gaza iyo Israel.

Dhaqaatiirtan ayaa ka shaqeyn doona Gaza muddo lix bilood ah, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay Laanqeerta Cas ee Caalamiga ah.

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 115 ruux oo Falastiiniyiin reer Gaza ah tan iyo bishii March, taasoo dhalisay cambaareyn caalami ah. Israel waxay rabshadaha xadka ku eedeysay in ay ka danbeeyaan Ururka Xamas.

Rabshadihi ka jiray dhinaca xadka ayaa hoos u dhacay Arbacadi kadib marki ay saraakiisha Falastiin sheegeen in ay Israel la gaareen heshiis xabad joojin ah oo ay dhex-dhexaadisay dowlada Masar. Israel ma aysan xaqiijin heshiiskaasi.

XS
SM
MD
LG