Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Israel oo duqeeyey Gaza


Milatariga Israel ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka iyo kuwa qumaatiga u kaca ay duqeyn cusub xalay ku qaadeen bartilmaameedyo ay koxoda Xamas ku leedahay Marinka Gaza.

Ciidamada difaaca Israel ayaa sheegay in duqeymaha lala beegaday goobo lagu sameeyo rasaasta iyo gantaallada, iyo goobo milatari oo dagaalyahanada Xamas lagu tababaro.

“Kooxda argagixisada ee Xamas waxay mar kale dooratay inay qaaddo tallaabo aan ku jirin danta dadka degan Marinka Gaza” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Israel.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsaday hoobiyeyaal iyo duqeymo talaadadii, taasi oo ah iska horimaadkii ugu cuslaa ee labada dinac dhex mara tan iyo markii ay 50 maalmood dagaalamayeen, sanaddii 2014.

Xamas iyo kooxda Islamic Jihad ayaa soo saaray bayaan wada-jir ah oo ay ku sheegteen mas’uuliyadda waxa Israel ay ugu yeertay 70 gantaal iyo hoobiyeyaal looga soo tuuray Gaza, talaadadii.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in saddex askari ay ku dhaawacmeen hoobiyeyaasha.

XS
SM
MD
LG