Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo sheegtay in laga soo weeraray Gaza


Milatariga Israel ayaa sheegay in mintidiin ku sugan Marinka Gaza ay 25 hoobiye maanta kusoo tureen dhowr goob oo ku yaalla Koonfurta Israel.

Bayaan kasoo baxay milatariga ayaa lagu sheegay in habkooda difaaca gantaallada uu qabtay inta badan gantaalladaas, halka qaarkoodona ay ku dhaceen meelo banaan. Lama sheegin wax khasaare ah.

Xiisadda ka taagan xuduudda Gaza ayaa sare u kacsaneyd labadii bil ee ugu dambeeyey, ayada oo Falastiiniyiinta ay dhigayeen dibadbaxyo ay ku baaqayaan inay dib ugu noqdaan dhulkoodii laga barakiciyey markii Israel la aas-aasay 1948-kii.

Ciidamada Israel ayaa dilay ugu yaraan 115 qof oo Falastiiniyiin ah tan iyo markii dibadbaxyada ay billowdeen, ayada oo aad loogu cambaareeyey adeegsiga awood ciidan.

Israel ayaa ku eedeeysay kooxda Xamas inay rabshadaha kicisay, waxayna ku dooday inay ka fal-celisay si ay u ilaaliso xuduudda.

XS
SM
MD
LG