Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farmajo oo Xilka Ka Qaaday Gudoomiya Maxkamadda Sare


Farmaajo

War saxaafadeed goor dhowayd kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu sheegay in xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka Ibraahim Iidle Suleymaan, isla markaana xilkaasi loo magacaabay Baashe Yuusuf Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa war saxaafadeedkaas ku sheegay in tallaabadan ay ka dambaysay markii uu tixgaliyey cabashada k atimid muwaadiniinta Soomaaliyeed, garsoorayaasha, hawl-wadeennada garsoorka iyo xirfadleyaasha sharciga taasoo la xiriirta in la helo garsoor hufan oo caddaalad ah, sida lagu sheegay war saxaafadeedka.

Ma jiro ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca guddoomiyaha xilka laga qaaday.

Qoraal soo gaadhay idaacadda VOA ayaa lagu sheegay in Baashe Yuusuf Axmed uu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay jaamacadda Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla UK.

Waxa sidoo kale la sheegay inuu la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee dalka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG