Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ghaza: Labo ku Dhintay Duqeynta Israel


Wasaaradda caafimaadka Falastiin ayaa sheegtay in duqeyn ay taangiyada Israel ka geysteen koofurta Ghaza ay ku dhinteen laba qof oo Falastiiniyiin ah.

Israel waxay sheegtay in duqeyntani ay timid kadib marki ciidankeeda jooga xadka Ghaza ay qarxiyeen aalado qarxo oo la dhigay meel u dhaw xuduudka Israel iyo Ghaza.
Walxahan qarxa ayaa Israel ay sheegtay in loogu tala galay in lagu waxyeelleeyo ciidanka ka howlgala deegaankaas.

Ugu yaraan 118 ruux oo Falastiiniyiin ah ayaa waxa dilay ciidanka Israel tan iyo markii bishii March ay biloowdeen banaanbaxyo ay xadka Israel iyo Ghaza ka sameeyeen kumanaan reer Falastiin ah.

XS
SM
MD
LG