Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo weerar ka fuliyey duleedka Muqdisho


Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya dowlada federaalka Soomaaliya ayaa fuliyey weeraro dhanka cirka ah, oo lagu bartilmaameedsanayey maleeshiyaadka Al-shabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay meel 15 mile koonfur galbeed uga beegan magaalada Muqdisho. Weerarkaas ayey taliska ciidamada Mareykanka Afrika ee Africom sheegeen in ay ku dileen 10 ka mid ah argagixisada.

Africom ayaa sheegtey in ay khasaaraha weerarkaas qiimeeyeen, iyagoo xusey in aysan jirin wax rayid ah oo wax ku noqdey weerarkii ugu danbeeyey oo dhacay bishan 23-keedii.

Africom ayaa sheegey in ay ka go’an tahay in ay difaacaan muwaadiniinta Mareykanka, isla markaana ay cagta mariyaan qatarta argagixisada.

Africom ayaa sheegtey in, si ay u gaaraan ujeedkooda, ay wadashaqeyn iyo wax wada qabsi la leeyihiin AMISOM iyo ciidamada ammaanka qaranka ee Soomaaliya, kuwaasoo ay sheegeen in wada wadaan howlgallada la dagaalanka argagixisada iyo weerarda lagu bartilmaameedsanayo xeryaha ay ku tababartaan iyo meelaha ay gabaadka ka dhigtaan ee gudaha Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG