Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Prof. Samatar oo ka hadlay dagaalka Tukaraq


Samatar
Samatar

Dagaal culus ayaa maanta mar kale ka qarxay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo ay ku dagaalameen ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Dhinaca kale, waxaa soo kordhaya baaqyada nabadeed ee ay dirayaan aqoonyahanka, odayaasha iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ka xun dagaallada dhex maraya labada dhinac, xilli lagu jiro bisha Ramadaan, saameynta duufaan, roobabka iyo daadadka.

Aqoonyahanka ayaa qaba in dagaaladan ay dhinacyadu guulaha ka sheeganayaan aaney soo kordhineyn waxaan aheyn dhimasho iyo barakac.

Aqoonyahankaasi waxaa ka mid ah Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota. Jaamac Buule Jaamac ayuu khadka taleefanka ugu waramay.

Prof. Samatar oo ka hadlay dagaalka Tukaraq
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:06 0:00

XS
SM
MD
LG