Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Manchester United oo u dhow saxiixa Fred


Fred
Fred

kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa u dhow inay heshiis la gaarto xiddiga qadka dhexe ee kooxda Shakhtar Donetsk, Fred, sida ay qoreen wargeyska dalka Ingiriiska.

Naadiga Old Trafford ayaa la sheegay inay kooxda Shakhtar kula jirto wada-hadallo geba-gebo maraya, ayna bixin doonta lacag ku dhow 60 milyan oo Euro, oo ay xiddigan kula soo wareegeyso.

Waxaa la rumeysan yahay in kooxda United ay dooneyso inay xiddigan lasoo wareegto ka hor furitaanka koobka adduunka ee 14-ka June, oo cayaaryahankan uu ku matali doono xulka Brazil.

Kooxda United ayaa dooneysa cayaaryahan qadka dhexe ka cayaara kadib markii uu cayaaraha ka fariistay Michael Carrick, islamarkaana Mourane Fellaini la rumeysan yahay inuu kooxda ka tagayo.

XS
SM
MD
LG