Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barack iyo Michelle Obama oo heshiis la galay Netflix


Barack iyo Michelle Obama ayaa ku biiraya ganacsiga taleefishinka, ayaga oo Isniintii ku dhwaaqay inay heshiis sanado badan la galeen shirkadda Netflix, ee muuqaallada ku baahisa Online-ka.

Madaxweynihii hore iyo marwada koowaad, ayaa sidoo kale aas-aasay shirkad soo saarta muuqaallada oo loogu magac daray Higher Ground Productions.

Netflix, oo ku dhawaaqday heshiiskan, ma aysan shaacin waxa uu noqon doono taxanaha taleefishin oo ay sameyn doonaan.

Netflix waxa ay sheegtay in Obama-yaasha ay sameyn doonaan muuqaallo kala duwan, oo qaarkood ay qoran yihiin, qaarna aysan qorneyn, dokumenteri iyo barnaamijyo.

“Waxaan rajeyneynaa inaan gacan ka gaysano is-fahamka bulshada iyo inaan ka caawino inay sheekooyinkooda la wadaagaan dunida” ayuu yiri Obama.

Barack iyo Michelle ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan qaar ka mid ah barnaamijyada, oo ay shaashadda kasoo muuqdaan, sida ay sheegeen dad ayaga ku dhow.

XS
SM
MD
LG