Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galatasaray oo Hanatay Horyaalka Turkiga


Ciyaartooyda GAlatasaray oo u dabaaldagaya hanashad ahoryaalki 21-aad ee ay qaadeen Axadi. 2018. (Twitter/Galatasaray)
Ciyaartooyda GAlatasaray oo u dabaaldagaya hanashad ahoryaalki 21-aad ee ay qaadeen Axadi. 2018. (Twitter/Galatasaray)

Kooxda Galatasaray ayaa markeedii 21-aad ku guuleysatay horyaalka Super League ee dalka Turkiga, kadib marki ay 1-0 uga badisay xalay kooxda ku guuleysatay xalay kooxda Goztepe, kulanki ugu danbeeyay ee horyaalka lagu soo gabagabeeyay.

Goolka guusha waxaa kooxdani ka dhisan magaalada Istanbul u saxiixay laacibka reer France Bafetimbi Gomis, daqiiqadii 66-aad. Wuxuu ahaa goolkiisii 29-aad ee uu ka dhaliyo horyaalka Turkiga xilli ciyaareedkan.

Wuxuu noqday laacibki ugu horreeyay oo ajnabi ah oo goolal intaasi la eg hal xilli ciyaareed ka dhaliya Super Leage-ga Turkiga.

Kaalinta labaad waxaa ku dhameysatay kooxda Fenerbahce waxay 3-2 uga badisay shalay Konyaspor halka kooxda kaalinta sadexaad ku dhameysatay ee Basaksehir ay iyaduna 3-2 ku martay Kasimpasa. Kooxda Besiktas oo labadi sano ee lasoo dhaafeysay heysatay horyaalnimada ayaa sanadkaan ku dhameysatay kaalinta afraad.

Guusha Galatasaray ayaa loo tiirinayaa soo laabsahada macalinka caanka ah ee dalka Turkiga Fatih Terim oo marki afraad leylinayo kooxdani ugu guulaha badan Turkiga.

XS
SM
MD
LG