Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saameynta Kulanki ay Ozil iyo Gundugan La Yeesheen Erdogan


Britain Turkey
Britain Turkey

Mesut Ozil iyo Ilkay Gundogan oo ah laba laacib oo u dhashay dalka Jarmalka balse asal ahaan kasoo jeeda dalka Turkiga ayaa Sabtidi la kulmay madaxweynaha dalka Jarmalka Frank-Walter Steinmeier si ay u qaboojiyaan xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay sawir ay dhawaan magaalada London kula galeen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.

Labadan laacib oo ka wada tirsan xulka qaranka Jarmalka ayaa Axadi hore la kulmay madaxweyne Erdogan kadibna gudoon siiyay funaanadaha kooxaha kubada cakta Arsenal iyo Manchester City oo ay u kala dheelaan.

Arrintan ayaa waxaa ka carooday siyaasiyiinta Jarmalka oo sheegay in laacibiintani ay dirayeen fariin siyaasadeed oo ay ku taageerayaan madaxweyne Erdogan oo hadda ku jira ololaha doorashada madaxtinimada Turkiga ee dhaceysa 26-ka June.

Madaxweynaha dalka Jarmalka ayaa marki uu la kulmay laacibintani soo dhigay bartiisa Facebook isaga oo la taagan Gundugan iyo Ozil. Wuxuu sheegay in laacibiintani ay xaq u leeyihiin in ay yeelan karaan wax ka badan hal wadan.

Ozil iyo Gunduwan ayaa ku adkeystay in sawirka ay la galeen Erdogan uusan direyn farriin siyaasadeed. Balse ay aheyd mid ku xushmeynayaan madaxweynaha waalidiintooda.

XS
SM
MD
LG