Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Chelsea oo Qaadday Koobka FA-ga


Gary Cahill
Gary Cahill

Ingiriiskana, kooxda Chelsea ayaa ku guuleysatay koobka labaad ee ugu xiisaha badan dalkaasi ee FA Cup, kadib marki ay xalay fiidkii 1-0 ku garaacday kooxda Manchester United.

Chelsea waxay isaga reebtay Manchester gool uu qeybtii hore ee ciyaarta rigoore ugu dhaliyay xiddigooda Eden Hazard. Guushan ayay Chelsea kusoo xireysaa xilli ciyaareedkeedi 2017-2018-ka.

Waxaana aad loogu saadaalinayaa kulanki xalay inuu ahaa kii ugu danbeeyay ee tababaraha kooxdani Antonio Conte oo isaga tagaya garoonka Stamfort Bridge ee magaalada London.

Conte ayaa ku guuldareystay in Chelsea uu u soo saaro koobka Yurub, kadib marki ay ku dhameysteen kaalinta shanaad horyaalka Ingiriiska ee sanadkan.

XS
SM
MD
LG