Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roobab ka Da'ay Awdal, Banaadir, iyo Djibouti


Mas’uuliyiinta Gobolka Awdal ayaa sheegay in ilaa 15 qof ay dhinteen kaidb roobab dabaylo wata oo saacadihii lasoo dhaafay ka da’ayey Gobolka. Gudoomiyaha Gobolka Awdal Cabdraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in tirada dhimashada guud ahaan ay tahay 15 ruux oo ku kala dhintay degmooyinka Lughaya iyo Baki.

Dhinaca kalena, roobab mahiigaan ah oo xalay waqti dambe ka bilowday Muqdisho soona gaaray salaadii subax ayaa sababay qasaaro Nafeed iyo mid hantiyadeed. Roobabka ka da'ay Mqudisho ayaa sababay dhimashada 4 ruux waxaana guud ahaan hakad galay isku socodka Magaalada waxaana maanta la hakiyay imtixaamkii Dowladdu qaadaysay. Waxaa intaas dheer in roobku uu keenay in biyo ay galaan 301 guri.

Dhinaca dalka Djibouti-na waxay roobabku biyo badan dhigeen magaalada Jabuuti oo ay xayireen shaqo maalmeedkii iyo isku socodkii.

Dhageyso warbixino ay soo kala direena Haashim Sheekh Cumar Good, Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle, iyo Ramadaan Muuse.

Dhageyso Khasaaraha Roobabka
please wait

No media source currently available

0:00 0:17:00 0:00

XS
SM
MD
LG