WASHINGTON. D.C —
Laacibki hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa qarka u saaran in loo magacaabo xilka tababaraha kooxda Arsenal, si uu u bedelo macalin Arsene Wenger oo kooxda ka tagay.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa maanta qoray in Mikel Arteta uu mabda,iyan aqblay macalinnimada Arsenal. Balse lama shaacin faah-faahinta heshiiska uu u saxiixi doono kooxdani ka dhisan magaalada London.
Tan iyo marki uu ku dhawaaqay inuu isaga tagayo kooxda Arsenal, macalinki hore Arsenal Wenger ayay kooxdani baadi goob ugu jirtay tababare. Arsenal ayaa waxay aad u daneynaysay tababaraha kooxda Jujentus Massimiliano Allegri balse waa uu diiday.
Arteta ayaa ka fariistay ciyaaraha sanadki 2016-ki afar sannadood oo uu kooxda ka tirsanaa.