Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Parma oo dib ugu soo laabatay Sere A


Taageerayaal
Taageerayaal

Kooxda Parma oo ka mid ah kooxaha ugu caansan dalka Talyaaniga ayaa muddo saddsex sano ah kadib dib ugu soo laabaneysa horyaalka Seria A-da, kadib marki ay ciyaar kala bax oo ka tirsaneyd horyaalka Serie B-da Talyaaniga ay Jimicihi shalay 2-0 uga soo badisay Spezia.

Parma oo laba jeer horay ugu soo guuleysatay koobka UEFA Cup oo hadda loo yaqaano Europa League ayaa waxaa sanadki 2004 loo celiyay horyaalka sadexaad ee Serie D, Kadib marki ay musallaftay dhaqaalo xumo ba,an daraadeed.

Kooxdan ayaase saddexdi sano ee lasoo dhaafay si toos ah uga soo wada baxday horyaalada Serie D, Serie C iyo Serie B-da oo shalay kasoo gudubnay si toos ahna ugu soo tallowday horyaalka koowaad ee Serie A-da Talyaaniga.

Parma ayaa maalmo wacan ku qaadatay sannadihii sagaashamaadki ilaa horraantii 2000, muddadaasi waxay ku guuleysatay super cup-ka Yurub iyo saddex koob oo ah koobka Italian Cup iyo laba koox oo ah kan uu dhigo xiriirka Yurub ee Uefa.

XS
SM
MD
LG