Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali loo doortay duqa magaalada Sheffield, UK


Majid iyo Kaltum
Majid iyo Kaltum

Duqa magaalada Sheffield ee dalka Britain, ayaa waxaa loo doortay Majid Majid, oo ka soo jeeda Soomaaliya.

Majid, oo 28 jir ah, ayaa ku dhashay magaalada Burco, waxaana magaaladaasi Sheffield ay qoyskiisa ku tageen qaxootinimo, isagoo shan sano jir ah, kadib markii ay tageen xero qaxooti oo ku taala Ethiopia.

Maanta ayaa loo dhaariyay xilkiisa cusub, isagoo noqonaya duqqii ugu da’da yaraa ee xisbiga Green Party ay magaalo u doortaan.

Sidoo kale, Kaltum Osman (Kaltuum Baande) oo iyana ah gabadh Soomaaliyeed, ayaa noqotay gabadh markii ugu horaysay ku guuleysatay xubin xildhibaanda golaha deegaanka ee Sheffield.

Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa Kaltum ka wareystay guusheeda iyo duqa cusub ee Shafiled.

Soomaali loo doortay duqa magaalada Sheffield, UK
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:37 0:00

XS
SM
MD
LG