Goolhaye Gianluigi Buffon ayaa maanta ku dhawaaqay inuu ka tagayo kooxda Juventus kadib 17 sano oo uu kooxda ka tirsanaa.
Buffon oo lagu tilmaamo goolhayihi ugu wanaagsanaa ee dunida kubadda cagta soo mara, 20-kii sano ee lasoo dhaafay ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Turin ku sheegay in kulankiisa ugu danbeeya uu Juve u safan doono sabtida soo socda.
Buffon wuxuu shirkiisa Jaraa’id ku sheegay in 15 maalmood ka hor uu bedelay go’aankiisii ahaa inuu ka fariisanyo ciyaaraha. Wuxuu intaasi raaciyay inuu heysto dalabyo kaga yimid kooxo kala duwan.
"Toddobaadka danbe, laba ilaa saddex maalmood oo nasasho iyo fikir ah kadib, waxaan qaadan doonaa go’aan. 15 maalmood ka horba waxaan ahaa ciyaaryahan hore. Dalabyo kala duwan ayaa ii yimid oo isugu jira kuwo ah inaan ciyaaro iyo kuwo kale oo ah inaanan ciyaarin. Shaqooyinka ah inaanan ciyaarin waxay iiga yimaadeen Juventus." Ayuu yiri Buffon.
Gigi Buffon oo ah 40 jir sannadkii 2006 u qaaday dalka Talyaaniga Koobka Aduunka, ayaa todobaadki hore Juve kula guuleystay horyaalkii sagaalaad ee Seria A-da Talyaaniga.
Buffon, ayaa ku biiray Juventus sanadkii 2001, markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Parma. Wuxuu meesha ka saaray inuu aadi doono koox ka dhisan dalka Talyaaniga. Wararka qaar ayaa sheegaya inuu u wareegi doono kooxda Liverpool.