Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan ku soo fool leh Soomaaliya


Sida lagu soo qoray barta internet-ka ee ReliefWeb, waxaa arbacada maanta xeebaha galbeed ee Yemen iyo woqooyiga Somalia ku soo fool leh duufaan xoog badan oo dhallin doonta roobab xoog badan oo keeni kara dhimashada dadka, xoolaha, burburka dalagyada, dhismayaasha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Sida warbixinta lagu sheegay roob gaaraya 50-100mm ayaa ka di’i kara xeebaha woqooyi ee Somalia, iyada oo marka uu meesha u sareysa gaarana uu noqon karo ilaa 250mm, xilli deegaanadani ay caadi ahaan helaan roob aan badneyn.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in khasaaraha dalka Djibouti arrintan ka soo gaari karaa aanu ahayn mid weyn. Hase yeeshee, dalka Yemen loo badinayo in toddobaadyada soo socda ay roobabkani kor u qaadaan xaaladihii cudurka daacuunka..

XS
SM
MD
LG