Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaayiin muslimiin ah oo oogay maalinta 1-aad ee Ramadan


Xilli qorrax-dhac ah, iyo muuqaalka Masjidka Al-Sayeeda Zainab ee magaalada Qahira.
Xilli qorrax-dhac ah, iyo muuqaalka Masjidka Al-Sayeeda Zainab ee magaalada Qahira.

Malaayiin Muslimiin ah ayay maanta u tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadan. Dalalka Turkiga, Albania, Bosnia , Kosovo, Macedonia iyo kuwo kale ayaa Arbacadi maanta ah laga soomanyahay.

Hase yeeshee inta badan dunida Muslimka oo ay ku jiraan Soomaaliya, Sacuudiga, Qatar, Masar iyo dalal kale oo badan, waxay dowladuhu ku dhawaaqeen in Khamiista birrito ah ay si rasmi ah u billaaban doonto bisha Ramadan.

Haddaba fadliga bisha Ramadaan iyo ahmiyaddeedaba ayuu Nuur Bukhaari ka wareystay Sheekh Cabdilxayi Sheekh Aaden oo ah Imaamka Masjidka Cumar Ibun-khataab ee isgoyska Km-5 ee magaalada Muqdisho.

Halkaan ka dhageyso fadliga bisha Ramadan
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00

XS
SM
MD
LG