Wasaaradda Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland ayaa amaro ay soo saartay ku fartay imaamyada masaajiddada in la gaabiyo codadka cod-baahiyayaasha salaadaha habeenkii ee sunnaha ah inta lagu gudo jiro bisha Ramadaan.
Sababta go'aannadan ayay wasaaraddu ku sheegtay cabasho ka timi bulshada qaarkood oo xanuusanaya.
Waxa kale oo wasaaraddu jaangoysay xilliyada eedaanka. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa go'aamadan ka waraystay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Adam Cabdillaahi Cabdalla, waxaanu waydiiyay qodobbada ay soo saareen.