Dagaal ayaa maanta ku dhex maray deegaanka Tuka-raq ee gobolka Sool ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.
Labada dhinac ayaa midba kan kale uu ku eedeeynayaa inuu dagaalka soo qaaday.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in dagalka lagu soo qaaday Somaliland isagoo ku eedeeyay dowladda Federalka ee Soomaaliya inay dagaalkaasi ku soo qaadday.
Dhinaca Puntland, war qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay dagaal ku soo qaaday ciidamada Puntland xilli ay horey u heysatay sida war saxaafadeedka lagu yiri dhul ay Puntland ka qabsatay.
Labada dhinaca ayaa guulo ka sheegtay dagaalka. Saraakiisha Puntland iyo kuwa Somaliland ee ciidamadaa kala hoggaaminaya ayaa sheegay inuu jiro khasaare nafeed oo labada dhinac ka soo gaaray dagaalka, inkastoo aaney sheegin tira sax ah.
Puntland, ayaa sheegtay in laba askari ay dagaalka kaga dhinteen, ayna dhanka kale gaarsiiyeen khasaare dhimasho, ayna hayaan maxaabiis oo qaarkood dhaawacyo ah.
Dagaalkan ayaa ku soo aaday xilli madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas uu ku suggan yahay magaalada Baydhabo oo ay ku shirsan yihiin madaxda maamul goboleeydad Soomaaliya, iyo iyadoo Somaliland ay u dabaal degeyso, maalinta 18-ka May oo Ramadanta darteed loo soo hormariyay. Maalintaas oo ku beegan markii ay ku dhawaaqeen inay Soomaaliya inteeda kale ay ka go'een.
Qeybtan hoose ka dhageyso war ay labada dhinac ka soo kala saareen dagaalka.