Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Indonesia: Qoyskii labaad oo fuliyey weerar ismiidaamin ah


Surabaya
Surabaya

Booliiska dalka Indonesia ayaa sheegay in qoys ka kooban shan qof ay maanta fuliyeen weerar ismiidaamin ah oo lagu qaaday xarunta booliska magaalada Surabaya, kaasi oo 10 qof ay ku dhaawacmeen.

Kaamirada qarsoon ayaa muujisay laba mooto oo lagu dhaftay bar ammaanka laga maamulo, ka hor qaraxa.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in gabar siddeed jir ah ay ka badbaaday weerarka maanta. Dadka dhaawacmay waxaa ku jira afar booliis ah iyo lix qof oo shacab ah.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Weerarka maanta ka dhacay magaalada labaad ee ugu weyn dalka Indonesia ayaa yimid maalin kadib markii qoys ka kooban lix qof ay weerar ismiidaamin ah la beegsadeen saddex kaniisad, ayaga oo dilay 13 qof, islamarkaana dhaawacay 41 kale.

Dhammaan magaalooyinka waa weyn ee dalk Indonesia ayaa la geliyey heegan sare.



XS
SM
MD
LG