Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roberto Mancini oo Ka Tagay Zenit St Petersburg


Mancini
Mancini

Tababarihii kooxdxa Zenit St Petersburg Roberto Mancini ayaa qarka u saaran in saacadaha soo socda loo magacaabo macalinka xulka qaranka Talyaaniga, kadib marki ay kooxda Zenit baab,isay qandaraaskiisa.

Macalinkan 53 jirka ah ayaa heshiiski uu kula joogay Zenit Petersburg wuxuu dhamaan lahaa sanadka danbe. Waxana uu ka mid ahaa tababarayaasha ugu caansan dunida ee dhawaan camiray horyaalka dalka Russia.

Mancini ayaa lagu wadaa inuu beddel u noqdo tababarihi hore ee xulka Talyaaniga Gian Piero Ventura oo shaqada laga ceyriyay sannadki hore kadib marki uu ku guuldarreystay inuu xulka Talyaaniga u soo saaro ciyaaraha aduunka ee 14-ka bisha soo socota ka furmi doona dalka Russia.

Mancini wuxuu horay u soo tababaray kooxaha Inter Milan, Manchester City iyo Galatasaray.

XS
SM
MD
LG