Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Atletico Madrid oo Xiratay Kaalinta Labaad ee La Liga


Koke oo u dabaaldagaya gool uu dhaliyay
Koke oo u dabaaldagaya gool uu dhaliyay

Atletico Madrid ayaa xiratay kaalinta labaad ee horyaalka dalka Spain sanadkaan, kadib marki ay 1-0 xalay uga badisay kooxda Getafe.

Horyaalka waxaa mar hore ku guuleysatay kooxda Barcelona hase yeeshee kaalinta labaad ayaa waxaa ku dagaalamayay kooxaha reer Madird ee kala ah Atletico iyo Real.

Atletico oo ay u dhamaayeen xidigaheeda ayaa goolka ay kaga takhallustay kooxda ay deriska yihiin ee Getafe u saxiixay ciyaaryahan khadka dhexe ka ciyaara ee Koke.

Waa marki ugu horreyay oo ay Atletico Madrid muddo afar sano ah kadib ay kaalinta labaad kaga hormareyso kooxda ay mataanaha yihiin ee Real oo sanadkaan horyaalka La Liga ku dhameysameyso booska saddexaad.

Real waxay xalay 6-0 ku dharbaaxday kooxda Celta Vigo. Goolasha laba ka mid ah waxaa saxiixay Gareth Bale. Goolasha kalana waxaa kala qeybsaday Isco, Achraf Hakimi, Toni Kroos, iyo gool uu kooxdiisa ka dhaliyay Sergi Gomez.

XS
SM
MD
LG