Isku xirrada

War Deg-Deg ah

13 Al-Shabaab ah oo Hiiraan lagu Diley


Al Shabab

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabab lagu dilay dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal saakay aroortii dhexmarey maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-shabaab.

Dagaalkan oo ka dhacay Xalfooleey oo u dhow Jalalaqsi ayaa bilowday ka dib markii maleeshiyo Al-shabab ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaankan oo dadka ku nool ee xoolaleyda ah ay ka diideen amarro ah inay bixiyaan xoolo ay ku sheegeen sako.

Deegaankana ayaa u jira degmada Buule Barde ilaa iyo 60 km, gudoomiyaha degamada Buula Barde, Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada dagaalka la galay al-shabab ay ka tirsanyihiin maleeshiyo beeleedyo xoolaley ah oo waayadanbe waday kacdoon ka dhan ah Al-shabab oo gobolka looga yaqaan Macawisleey.

Saraakiisha dowladda ee gobolka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanno kale oo gobolka ah.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG