Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'isulwasaarihi Hore ee Malaysia oo Loo Diiday Inuu Dalka Ka Baxo


Najib Razak iyo xaaskiisa Rosmah Mansor
Najib Razak iyo xaaskiisa Rosmah Mansor

Ra’isulwasaarihi hore ee dalka Malaysia Najib Razak ayaa maanta iska casilay xilka hogaamiyaha xisbiga UNMO ee ay leeyihiin qowmiyadda Maylayga oo ah xisbi dalkaasi xakumayay tan iyo marki ay Malayshiya qaadatay xorriyadda sannadki 1957.

Arrintani ayaa ka danbeysay kaddib marki uu xisbiga Barisan Nasional coalition uu ku guuleystay doorashadi baarlamaaniga aheyd ee dalkaasi ka dhacday Arbacadi aanu kasoo gudubnay.

Goor sii horreysay oo maanta ah, Ra’isulwasaarihi hore Najib iyo xaaskiisa Rosmah Mansor, ayaa laga hor-istaagay in ay ka dhoofaan Malaysia.

Waaxda Socdaalka dalkaasi ayaa sheegtay in lamaanahani lagu daray liiska madow, sidaasi daraadeedna aysan dalka ka bixi karin.

Najib ayaa laga yaabaa inuu wajaho danbiyo dhowr ah oo uu ugu weyn yahay musuq-maasuq.

Shalay ayaa waxaa xilka ra’isulwasaaraha Maleyshiya loo dhaariyay Mahathir Mohamad oo ah hogaamiye sumcad ku leh Maleysia, horayna muddo dheer usoo maamulay.

XS
SM
MD
LG