Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real oo joojisay wada-hadalladii Lewandowski


 Robert Lewandowski
Robert Lewandowski

Kooxda Real Madrid ayaa joojisay wada-hadal ay kula jirtay weeraryahanka kooxda Bayern Munich, Robert Lewandowski, sida uu sheegay taleefishinka Sky ee dalka Jarmalka.

Xiddiga caalamiga ah ee dalka Poland, ayaa waxaa si aad ah loola xiriirinayey inuu xagaagan ku biirayo naadiga Bernabeu, hase yeeshee naadiga Real ayaa soo afjaray wada-hadalladi wakiilka Lewandowski.

Madaxa fulinta kooxda Bayern, Karl-Heinz Rummenigge ayaa ku adkeystay in 29 jirkan uu la sii joogi doono naadiga horyaalka jarmalka haysata.

Waxa uu u sheegay wargeyska Kicker “Ma ahan inay ka welwelaan Robert Lewandowski iyo xiriirka uu la leeyahay Bayern, waayo waa xiriir aad u wanaagsan. Waxaan ku faraxsanahay inuu nagula jiro qandaraas muddo fog”.

Karl-Heinz Rummenigge ayaa intaas ku daray in Lewandowski uu xilli cayaareedka soo socda kasii mid ahaan doono Bayern.

XS
SM
MD
LG