Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ku gacan seertay diidmada senator John McCain ee haweeneyda madaxweyne Trump uu u doortay inay hoggaamiso CIA-da, ayada oo sheegtay “in McCain uu si ay ahaataba dhimmanayo.”
Senator McCain oo laga soo doorto gobolka Arizona, islamarkaana ah 81 jir, ayaa waxa uu la xarbinayaa kansarka maskaxda.
Kelly Sadler oo ah kaaliye gaar ah oo ka tirsan xafiiska warbaahinta Aqalka Cad, ayaa la rumeysan yahay inay hadalkan ka sheegtay kulan ay yeesheen shaqaalaha warfaafinta Aqalka Cad.
Laba qof oo ka qeyb galay kulanka oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay inay la yaabeen oo ay ka naxeen hadalkan. Sidoo kale warbaahinta kale qaarkood ayaa xaqiijiyey hadalkan.
Aqalka Cad ayaan beenin hadalkan. Waxa uu soo saaray bayaan lagu yiri “Waan xushmeynaa adeegga senator McCain ee dalkeena, waxaana mar walb u duceynaa isaga iyo qoyskiisa, xilli ay wajahayaan waqti adag”.