Iran ayaa sheegtay in weeraradii gantaal ee Israel ay shalay ku qaaday Syria lagu salleeyey “Cudur daar horey loo sii hindisay.”
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Iran, Bahram Ghasemi ayaa wakaaladda wararka Iran ee IRNA u sheegay in weeraradaas ay xadgudub ku ahaayeen qarannimada iyo sharafta dhuleed ee Syria.
Waxa uu yiri in Syria ay xaq u leedahay in iska difaacdo kuwa kusoo gardarrooda.
Milatariga Israel ayaa maanta baahiyey muuqaal dusha sare laga duubay oo muujinaya goobo ay Iran ku leedahay Syria, oo ciidamada Israel ay beegsadeen.
Warbixin lagu daabacay wargeyska Jerusalem Post ayaa lagu sheegay in ciidamad Israel ay beegsadeen 50 bartilmaameed oo Iran ay ku leedahay gudaha Syria, kadib markii labaatan gantaal lagu soo tuuray.
Xoghayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo ficillada colaadeed, si looga fogaado dagaal cusub oo ka qarxa Bariga Dhexe.