Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka ee QM in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka ee saaran muddada fog.
Kheyre ayaa codisigan maanta u jeediyey wafti balaaran oo ka socday Golaha Ammaanka QM, oo uu hoggaaminayey safiirka dalka Kazakhstan u fadhiya QM, Kiarat Umarow, oo uu kula kulmay magaalada Muqdisho.
Kheyre ayaa wafdiga QM u sheegay in Soomaaliya ay horumar ka samaysay arrimaha ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan ammaanka guud ee dalka, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa.
Kheyre ayaa sheegay Soomaaliya ay mudan tahay in laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama, buu yiri, ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda.
Danjire Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka.