Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliban oo markan dooneysa nabad


Hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Taliban ayaa ku baaqay nabad ka dhacda dalka Afghanistan.

Baaqa kasoo yeeray madaxa caddaaladda Taliban, Mawlawi Abdul Hokom ayaa ku yimid warqad uu u diray hoggaamiyaha kooxdaas Habtullah Akhundzada.

Hokom ayaa sheegay in dhammaan dadka Afghanistan oo ay ku jiraan kuwa ku nool goobaha ay kala maamulaan Taliban iyo dowladda Afghanistan ay ka daaleen dagaal, ayna doonayaan nabad.

Wasaaradda gaashaandhigga Afghanistan ayaa VOA-da la wadaagtay warqadda Hokom, oo laga soo diray gobolk Waqooyiga Bari ee Baghlan, waxayna sheegtay in xubno badan oo ka mid ah kooxda ay doonayaan nabad.

“Maadaama ay hoggaamiyayaasha Imaaradda Islaamiga ah ay mas’uuliyad ka saaran tahay dalabyada sharciga ah ee dadka Afghanistan, hoggaanka waa inuu ka fakaraa dalabyada dadka ee nabadda, uuna jawaab siiyaa dadka, marka ay madaxda tashtaan” ayaa lagu yiri warqadda.

XS
SM
MD
LG