Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerar ka fulisay gudaha Kenya


Shabaab

Maleeshiyo la tuhunsan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabab ayaa shalay gelinkii dambe weerar ku qaaday shaqaale ka mid ah kuwa qodaya carra-kaawada ee guryaha lagu dhiso, gobolka waqooyi bari Kenya.

Weerarkan ayaa dad xogogaal ah oo deegaanka ah ay noo sheegeen inuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Shimbir Faatumo oo ku yaalla Koonfurta Mandera.

Mid ka mid ah mas’uuliyiinta gobolkaasi ayaa idaacadda VOA u sheegay in la aamisan yahay ugu yaraan laba qof oo rayid ah inay ku dhinteen weerarkan, ilaa saddex kalena ay ku dhaawacmeen.

Wargayska Daily Nation ee dalkaasi Kenya kasoo baxaya oo weerarkan wax ka qoray ayaa soo xigtay madaxa amnnga ee Gobolka Kutswa Ololka oo isagu u sheegay inaysan weli caddayn tirada dadka waxyeelladu kasoo gaartay weerarkaasi.

Waxay Daily Nation sheegtay in ciidamo ka tirsan kuwa amniga ay ku baxeen goobta weerarku ka dhacay.

Gobolka Maanera waa kan ugu badan Waqooyi Bari Kenya ee ay ka dhacaan weerarrada Al-Shabab ay ka gaystaan waqooyi Bari Kenya.

Bishii May ee sannadkii hore weerar ay Al-Shabab ka gaysteen duleedka magaalada Ceel-Waaq dhinaca Kenya waxaa ku dhintay laba ka mid ah shaqaalaha qoda carro-kaawada.

Bishii December ee sannadkii 2014-ka weerar ay Al-Shabab ku qadaday shaqaalaha qoda carrada waxaa ku dhintay 36 ka tirsan shaqaalahaasi taasi oo horseedday inay si xawli ah shaqaalaha aan Soomaalida ahayn uga qulqulaan gobolkaasi.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG