Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Steven Gerrard oo noqonaya macallinka Rangers


Steven Gerrard
Steven Gerrard

Kabtankii hore ee kooxda Liverpool Steven Gerrard ayaa heshiis saddex sano ah la gaaray kooxda Rangers, si uu u noqdo macallinka cusub ee kooxdaas.

Gerrard ayaa la filayaa inuu maanta tago magaalada Glasgow, si uu saxiixo heshiiskan. Gary McAllister ayaa noqon doona kaaliyahiisa.

Gerrard iyo madaxda kooxda Rangers ayaa xalay heshiiska ku gaaray magaalada London.

Agaasimaha cayaaraha ee kooxda Rangers Mark Allen iyo madaxa u kuur gelidda cayaartoyda Andy Scoulding ayaa ka dhaadhiciyey Gerrard inuu noqdo macallinka Rangers.

Gerrard ayaa la rumeysan yahay inuu weydiistay in loo xaqiijiyo inuu heli doono miisaaniyad uu cayaartoy kusoo iibsado, ka hor inta uusan ogolaan macallinnimada Rangers.

XS
SM
MD
LG