Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hooyo 420 dollar ku iibisay gabadheeda


Gobolka Faryab
Gobolka Faryab

Hooyo dhashay laba carruur ah oo ku sugan dalka Afghanistan, ayaa iibisay gabadheeda oo shan bilood jir ahayd, si ay lacag lagu daweeyo ugu hesho qof ay qaraabo yihiin.

Arrintan ayaa walaac qoto dheer ka abuurtay dalka Afghanistan, waxaana saraakiil iyo shaqsiyaad kale ay uruuriyeen lacagtii dawada loogu baahnaa iyo lacag dib loogu soo celiyo canuugii la iibiyey.

Hooyadan oo lagu magacaabo Obaidah ayaa ku nool magaalada Mimanah ee gobolka Faryab, waxaana ay xaas ahayd muddo shan sano ah.

Dumaashigeed oo ah 20 jir lagu magacaabo Jalaluddin ayaa waxaa ku dhacay kansarka dhiigga oo dawadiisa qaali ay tahay. Sidaas darteed ayay canugteeda Mehraban waxay ka iibisay lamaane aan wax ilmo ah dhallin.

“Waxaan u iibiyey gabadheeda si loo daweeyo ninkeyga walaalkiis ka yar. Waxaan ooynayey laba habeen oo ma seexan. Waxaan sidaas u sameeyey inaan nolosha qof ka badbaadiyo dhimasho” ayay tiri Obaidah oo taleefon kula hadashay VOA.

Wakaaladda wararka Pajhwok oo markii hore werisay sheekadan, ayaa sheegtay in barasaabka gobolka Faryab uu bixiyey lacag dhan 420 dollar, si canugta dib loogu soo celiyo.

Shan of oo kale ayaa iska uruuriyey lacag, si loo daweeyo Jalaluddin.

Najibullah oo ah nin maqaayad ku leh magaalada Maimana ayaa iibsaday gabadha yar, maadaama isaga iyo xaaskiisa ay awoodi waayeen inay ilmo dhalaan.

XS
SM
MD
LG