Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa u gudubtay final-ka koobka horyaallada qaaradda Yurub, inkasta oo xalay la gaarsiiyey guul darro culus.
Naadiga Liverpool ayaa lugtii labaad ee afar dhammaadka cayaaraha koobka horyaallada Yurub oo ay xalay la yeelatay kooxda Roma, waxaa looga adkaaday 4-2.
Si kastaba, maadaama ay lugtii hore kusoo adkaatay 5-2, waxay Liverpool kusoo baxday cel celis ah 7-6 gool.
Cayaarta Final-ka oo ka dhici doonta magaalada Kiev ee dalka Ukraine ayaa waxay Liverpool ku wajihi doontaa kooxda Real Madrid oo iyana kasoo adkaatay kooxda Bayern Munich.
Real Madrid ayaa ah kooxda difaacaneysa koobka, kuna guuleysatay labadii sano ee ugu dambeeyey.