Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Giuliani: Trump wuu guday lacagtii la siiyey Stormy


Rudy Giuliani

Duqii hore ee magaaada New York, Rudy Giuliani ayaa sheegay in madaxweyne Donald Trump uu dib ugu guday qareenkiisa Michael Cohen lacag dhan 130,000 oo dollar oo uu siiyey gabar jisha filimada galmada, si aysan uga sheekeyn xiriir la tuhunsan yahay inay Trump la yeelatay 2006-dii.

Giuliani oo dhowaan ku biiray kooxda qareenada ee Trump ayaa xalay Fox News u sheegay “Trump ma oga faahfaahinta lacagta inta aan ogahay, hase yeeshee wuu ogaa heshiiska guud”.

Trump ayaa horey u beeniyey inuu wax xiriir ah la yeeshay Stormy Daniels, waxaana uu bishii tagtay mar waxa laga weydiiyey inuu wax ka ogaa lacagta uu ku jawaabay “Maya”.

Daniels ayaa maxkamad la kortay Trump iyo Cohen sababo la xiriira lacagtan la bixiyey. Qareenkeeda, Michael Avenatti ayaa kadib hadalka Giuliani yiri “Waa inay carroodaan dadka Mareykanka”.

“Bilo ka hor ayaan saadaalinay inay soo bixi doonto in dadka Mareykanka looga been sheegay 130-ka kun ee dollar, iyo in Trump uu wax ka ogaa” ayuu Avenatti ku qoray barta twitter-ka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG