Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ronaldo: Suurtogal maaha in Neymar ku biiro Real


Neymar
Neymar

Weeraryahankii hore ee Real Madrid iyo Brazil Ronaldo ayaa rumeysan inaysan suurtogal ahayn in Neymar uu ka tago kooxda PSG, kuna biiro Real Madrid.

Neymar oo 26 jir ah ayaa PSG waxa uu xagaagii tagey kaga soo biiray kooxda Barcelona, isaga oo lagu soo iibsaday 222 milyan oo Euro, hase yeeshee laacibka reer Brazil ayaa u muuqda inuusan weli saldhigan Paris.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa la rumeysan yahay in xiiso muddo fog ah uu u qabo Neymar, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in kooxda Bernabeu ay 400 oo milyan oo Euro u yaboohdo saxiixa laacibkaas.

“Neymar dhowaan ayuu lacag badan ugu soo biiray PSG, mana rumeysni in PSG ay lacag u baahan tahay si ay u iibiso” ayuu yiri Ronaldo.

Ronald ayaa si kastaba sheegay in dhowr sano kadib ama mustaqbalka ay suurtogal tahay in Neymar ku biiro Real.

XS
SM
MD
LG