Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hawada wasaqeysan oo sanad kasta disha 7 milyan oo qof


Sagaal ka mid ah, tobankii qofba ee dunida ku nool, ayaa qaata hawo wasaqeysan, sida uu maanta sheegay ururka caafimaadka adduunka ee WHO, ayada oo hawada wasaqeysan ee guryaha dhexdooda ay tahay dhibaato aan weli laga war hayn.

Warbixintii ugu dambeysay ee WHO ayaa lagu sheegay in hawada wasaqeysan ay sanad kasta dunida ku disho 7 milyan oo qof, oo badankood ku nool Asia iyo Africa.

“Tani waa arrin aas aasi ah oo aan la aqbali karin” waxaa sidaas tiri Dr. Maria Neira oo ah sarkaal ka tirsan WHO.

Hawada wasaqeysan ee guryaha dhexdooda iyo bannaankaba ayaa hoggaamiya cuduro ay ka mid yihiin qalalka, cudurada wadnaha, kansarka sanbabada iyo neefta.

Ayada oo inta badan dadka ay hawada wasaqeysan la xiriiriyaan qiica ay sii daayaan warshadaha iyo baabuurta, ayaa warbixinta WHO waxa ay sheegeysaa in hawada wasaqeysan ee guryaha dhexdooda ay sanad kasta sababato dhimashada 4 milyan oo qof.

“Saddex bilyan oo qof oo dunida ku nool – oo ah ku dhowaad kala bar dadka dunida ayaa weli cuntada ku karsada waxyaabo dhaliya hawo wasaqeysan” ayey tiri warbixinta WHO.

“Tani waa dhibaato u baahan in la xaliyo, waxaan u baahannahay inaan sare u qaadno helitaanka gaaska nadiifka ah iyo tamarta nadiifka ah, oo gaara dadkan naga midka ah” ayay tiri warbixinta.

Dr. Neira ayaa ku dhawaaqday in bisha October ee WHO ku qaban doonto Geneva shirkii ugu horreeyey dunida ee ku saabsan hawada wasaqeysan, si loola yimaado faro-gelin iyo xal.

XS
SM
MD
LG