Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo weeraray Robert Mueller


Donald J. Trump
Donald J. Trump

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Talaadadi shalay mar kale weerar afka ah ku qaaday Guddiga Gaarka ah ee baaraya suurtagalnimada in Ruushka uu faragelin ku sameeyay doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka ka dhacday sannadki 2016-kii.

Dhaleeceynta ka soo baxday Trump ayaa timid kadib markii ay qaar ka mid ah Warbaahinta Mareykanka heleen su'aalo dhowr ah oo madaxa guddiga gaarka ah ee baaraya kiiska Ruushka, Robert Mueller ku doonayo inuu weydiiyo mdaxweyne Trump.

Su'aalahan oo la sheegay in ay ka badan yihiin 40 su'aal ayaa waxaa loo dusiyay wargeyska New York Times . Trump ayaa dusintan ku tilmaamay arrin ceyb ah. Isaga oo mar kale ku celiyay in baaritaankani uu yahay wax aanan jirin oo looga danleeyahay in isaga lagu dhaawaco.

Wargeyska The Times ayaa ku warramay in su'aalaha kooxda Mueller ay rabaan in ay baaraan arrimo ku saabsan wixi dhacay inti uu socday ololihii doorashada, saddexdii bilood ee u dhaxeysay doorashada iyo marki xilka loo caleema saaray billowgi sannadki 2017-ki. Sidoo kale waxay rabaan in ay wax ka weydiiyaan 15-kii bilood ee uu xafiiska maamulay.

XS
SM
MD
LG