Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Salah oo ku guuleystay abaalmarin kale


A young farmer drags his sheep toward the sea to bathe in Dakar, Senegal, ahead of the Muslim Eid al-Adha (Festival of Sacrifice), known as Tabaski in Western Africa.
A young farmer drags his sheep toward the sea to bathe in Dakar, Senegal, ahead of the Muslim Eid al-Adha (Festival of Sacrifice), known as Tabaski in Western Africa.

Weeraryahanka kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa loo magacaabay laacibka sanadka ee xiriirka qorayaasha kubadda cagta Ingiriiska.

Qad dhexlaha kooxda Manchester City Kevin de Bruyne ayaa kaalinta labaad ka galay codbixintan, halka laaciibka kooxda Tottenham Harry Kane uu kaalinta saddexaad ku dhammeystay.

Salah oo 25 jir ah ayaa dhaliyey 31 gool, 34 kullan oo uu xilli cayaareedkan saftay horyaalka Premier League.

Xiddiga Masriga ah, oo noqday afrikaankii ugu horreeyey ee ku guuleysta abaalmarintan, ayaa sidoo kale bishii April ku guuleystay abaal marinta laacibka sanadka ee xirfadlayaasha kubadda cagta.

Salah oo ay Liverpool xagaagii tagey kala soo waregtay kooxda Roma ayaa dhaliyey 43 gool, dhamaman tartamadii uu cayaaray.

XS
SM
MD
LG