Roberto Mancini ayaa gaaray heshiis uu ku noqonayo macallinka cusub ee xulka kubadda cagta qaranka Talyaaniga, sida ay maanta ku warrameen warbaahinta Talyaaniga.
Mancini oo imminka ah macallinka kooxda Zenit St Petersburg ayaa habenkii Isniintii Roma kula kulmay gudodomiye ku xigeenka xiriirka kubadda cagta Talyaaniga Alessandro Costacurta iyo agaasimaha cayaaraha kooxda Gabriele Oriali.
Mancini ayaa la filayaa inuu la wareego shaqada xulka Talyaaniga kadib dhammaadka xilli cayaareedka Ruushka oo ku eg 13-ka May.
Xulka qaranka Talyaaniga ayaa raadinayey macallin cusub tan iyo markii shaqada laga ceyriyey Gian Piero Ventura kadib markii Talyaaniga laga reebay ka qeyb galka koobka adduunka 2018.
Tababare Carlo Ancelotti ayaa la rumeysan yahay in marka hore loo yaboohay shaqadan, hase yeeshee uu ku gacan seeray.