Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqalka Cad oo ammaanay 'sirta' ay soo bandhigtay Israel


Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ammaanay, islamarkaana ugu yeeray “mid cusub oo xiiso leh” sir cusub oo ay soo bandhigtay Israel, oo sida ay sheegtay muujineysa in Iran ay si qarsoodi ah u hormarineyso barnamaij Nuclear ah.

Si kastaba, saraakiisha Washington ayaan Iran si rasmi ah weli ugu eedeyn inay ku xadgudubtay heshiiskii sanaddii 2015 laga gaaray barnaamijkii nuclear-ka dalkaas.

Saraakiisha Mareykanka ayaa dib u eegis ku sameynaya waraaqo, sawirro iyo muuqaalo ay sirdoonka Israel sheegeen inay ka heleen barnaamijka Nuclear-ka Iran.

“Akhbaartan waxa ay bixineysaa faahfaahin cusub oo xiiso leh, oo ku saabsan dadaallada Iran ay ku hormarineyso hub nuclear ah oo ay xambaari karaan gantaallada” Waxaa sidaas tiri afhayeenka Aalka Cad Sarah Sanders, oo soo saartay qoraal.

“Iran waxay haysataa barnaamij sare oo sir ah oo Nuclear oo ay isku dayday inay ka qariso dunida iyo dadkeedaba” ayay tiri Sanders.

Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Isniintii soo bandhigay sirta uu sheegay inay ka heleen barnaamijka Nuclear-ka Iran, taasi oo uu sheegay inay muujineyso in Iran ay u been sheegeyso dunida.

XS
SM
MD
LG