Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Somalia oo doortay guddoomiye cusub


Maxamed Mursal Sheekh

Xildhibaan Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee baarlamanka Soomaaliya.

Maxamed Mursal, oo ahaa waasiirkii gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, oo uu iska casilay toddobaadkii tagey, ayaa ka adkaaday musharaxiin dhowr ah oo xilkaas kula tartameysay.

Wuxuu wareeggii labaad ee doorashada kaga adkaaday xildhibaan Ibraahim isaaq Yarow.

Maxamed Mursal ayaa wareeggii labaad helay 147 cod, halka Ibraahim Isaaq Yarow uu ka helay 118 cod. Waxaa codeeyey 265 xildhibaan.

Maxamed Mursal ayaa beddelaya Maxamed Cismaan Jawaari oo xilka afhayeenka baarlamanka iska casilay 12-kii April.

Warbixintan waxaa Muqdisho nooga soo diray weriyaheena Cabdulqaadir OK

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:17 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG